Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Gobolka Nugaal oo Hawlgal qorshaysan oo ka fuliyay Caasimadda Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
Booliis.png?resize=955%2C536&ssl=1

Ciidanka Booliiska Gobolka Nugaal, oo kaashanaya Hay’adaha Sirdoonka Puntland, ayaa xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay Caasimadda Garoowe.

Hawgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa laga fuliyay xaafado ka tirsan Caasimadda.

Ciidanka ayaa baritaan ku sameeyay qaar ka mida Hoteelada, Guryaha iyo Gaadiidka dadweynaha, si loo xaqiijiyo Amniga.

War ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas lagu qabtay dad looga shakiyay kooxaha Nabad-diidka, inkastoo aan faahfaahin laga bixin.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Gobolka Nugaal oo Hawlgal qorshaysan oo ka fuliyay Caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this