Deeq A. Posted February 24, 2022 Isimada Gobolka Bari oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta marti qaad rasmiya u fidiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale. Isimada ayaa sida la xaqiijiyay Madaxweynaha ku casumay Kulan Qada sharaf ah oo lagu qaban doono magaalada Boosaaso islamarkaana looga hadli doono Xaaladda Boosaaso gaar ahaanna Khilaafkii PSF. Kulanka ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii Madaxweynuhu codsaday in uu la kulmo Isimada Dhaqanka Gobolka Bari ee saxiixay Go’aankii xallinta Khilaafkii ka dhashay Hay’adda PSF. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni iyo Isimada Gobolka Bari oo maanta kulmaya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites