Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisada Dalka Ukraine, Madaxweyne Putin Oo Amray Howlgal Millatari Iyo Dagaal Saaka Billaabmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay in la weeraro waddanka Ukraine gaar ahaan gobolka Donbas.

Hoggaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Ruushka uu weerarayo kaabayaasha millatariga ee dalkiisa iyo ilaalada xuduudaha, laakiin wuxuu ku booriyay muwaadiniinta in ayna argagixin isagoo wacad ku maray guul.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in hub sax ah lagu bartilmaameedsanayay kaabayaasha millatariga Ukraine.

“Kaabayaasha millatariga, xarumaha difaaca hawada, garoommada millatariga, iyo ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa lagu naafeeyay hub aad u sareeya,” wasaarada difaaca ayaa ku tidhi hadal ay siiyeen wakaaladaha wararka ee Ruushka.

Madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa cambaareysay weerarka Ruushka ee Ukraine, waxayna wacad ku martay inay Moscow lala xisaabtami doono.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la hadlay dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy wax yar ka dib markii Ruushka uu weerar ku qaaday Ukraine, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa u sheegay shir deg-deg ah oo golaha ammaanka uu yeeshay in hawlgalka millatari ee Moscow ee ka dhanka ah Ukraine uu bartilmaameedsanayo ee awoodda Kiyv. Guterres ayaa ku booriyay Ruushka inuu joojiyo gardarrada Ukraine.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this