Sign in to follow this  
Deeq A.

FILISH oo shaaciyey in Muqdisho ay ka jirto arrin ka halis badan qaraxyada iyo dilalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo khudbad ka jeeiyey kulan ka dhacay degmada Dharkenley ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa sheegay in maalin weliba loo soo gudbiyo xogta qaraxyada iyo dilalka ka dhaca gudaha caasimada, balse wuxuu tilmaamay inay haatan ka halis badan yihiin dhibaatooyinka ay geystaan dadka isticmaala maandooriyaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Degmooyinka gobolka Banaadir dhacdooyinka ka dhaca maalin walba wixii dhaca 24 saac waa la’ii soo gudbiyaa qaraxyaa dhaca kuwa madax jebiska bistooladley ayaa wax disha yacni dhibaatooyin kale ayey abuuraan waxaas wax ka khasaare badan oo aan la ogeyn ayaa jira waa dadka daroogeysan dhibaatooyinka ay geystaan ,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhibaatooyinka maandooriyaha ku hayo bulshada ay shan jeer ka badan yihiin falalka ay geystaan kuwa is qarxinaya ama wax dilaya.

“Inta qof daroogeysan uu dilay ama dhaawacay ayaa shan jeer waxa ay ka badan tahay kooxahaan kale oo is qarxiyeyaasha ahi dhibaatada ay geystaan,” ayuu sii raaciyey.

Duqa Muqdisho ayaa farriin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay meel uga soo jeestaan la dagaalanka maandooriyaha iyo kuwa cadowga ku ah noloshooda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii u dambeeyey ay kordheen dhibaatooyinka amni darri ee ka jira caasimada oo ay haatan ka socoto doorasho guud.

Si kastaba, maamulka gobolka Banaadir ayaa bilihii u dambeeyey waday wacyigelin ballaaran oo ku aadan sidii loola dagaalami lahaa maandooriyaha iyo kuwa ganacsada.

The post FILISH oo shaaciyey in Muqdisho ay ka jirto arrin ka halis badan qaraxyada iyo dilalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this