Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuur Daalacay: Cadowga SOMALILAND waa SOOMAALIYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Fannaanka Nuur Jaamac Aadan oo loo yaqaano (Nuur Daalacay), isla-markaana ah Fannaan Reer Jabuuti ah ayaa wareysi uu bixiyey kaga hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan qaddiyada Somaliland iyo wada-hadallada Soomaaliya.

Nuur Daalacay ayaa wareysigan oo dhaliyey dood xoogan ku sheegay in Somaliland aysan laheyn cadow aan aheyn Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Somaliland cadow aan Soomaaliya aheyn ma laha runta in lag weecday ma aha. Cadowga Somaliland waa Soomaaliya,” ayuu yiri Fannaanka Nuur Daalacay.

Fannaanka ayaa intaasi raaciyey “Cidda horumarkeeda hor taagan Somaliland ee ka naxeysa waa Soomaaliya, haddii awood leeyihiina way kusoo duuli lahaayeen,”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadallada socda ee u dhexeeya labada dhinac ay caqabad xoogan ku noqdeen horumarka Somaliland.

“Somaliland maanta waxaa aad iyo aad caqabad ugu ah wada-hadalka Soomaaliya,” ayuu markale yiri Nuur Daalacay.

Sidee looga falceliyey wareysiga fannaanka Nuur Daalacay?

Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn u falan-qeeyey hadallada kasoo yeeray Fannaankan oo horey heeso ugu qaaday Somaliland.

“Bk oo ka caansan oo ah Fanaan loo istaago baa Soomaaliya markii uu u gefay raali-gelin bixiyey, Kadib markuu isagu isla yabay heesahiisana “iga dami cunsuriga” la lahaa marka odayga aroos yada kaliya ka heesa waxba uma arkaan heestiisa anigu ma arag oo Nuuree,” ayey tiri gabar ku soo gashay Facebook-ga magaca Hoodo Xayinimo.

Sidoo kale wiil lagu magacaabo Axmed Cabdirashiid ayaa yiri “War waxaasi waa sheeko ma jiro qof Soomaali ah oo qof kale oo Soomaali ah horumarkiisa ka xun,”.

Dadka kale ee ka faceliyey wareysigan waxaa ka mid ah nin kale oo Facebookga ku soo gala Waabari wuxuuna yiri “Fanaan maxa siyaasaad galiyay yaab waxaas oo miiran ayaa waxaa la leyhy wa Fannaan, haddana mana kala garnayo cadaw iyo sokeeye,”.

The post Nuur Daalacay: Cadowga SOMALILAND waa SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this