Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf Ka Dhex Qarxay Mas’uuliyiinta Ugu Sarraysa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalmihii lasoo dhaafay waxa soo baxaayay khilaaf soo kala dhex galay Masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Wasiir Toorno oo dhinac ah iyo wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha Guud oo isku dhinac ah ayaa isku Haysta awoodii Wasaarada.

Wasiir ku xigeenka iyo garabkii sa ayaa la wareegay page-kii wasaarada waxaanay ka ilaaliyeen Sawirada iyo Muuqaalada Wasiir Toorno in kaste oo dhawrkii cisho ee lasoo dhaafay aad moodo in garanka wasiir Toorno gacanta wasiirka ay kusoo Celiyeen Page-kii wasaarada

Wasiir ku xigeenka wasaarada wax barashada Somaliland ayaa sidoo kale dhawaan sheegay in uu xilkii ka qaaday Gudoomiyihii waxbarashada gobolka maroodi jeex oo uu utuhmay in uu yahay Garabka Wasiir Toorno, hase yeeshee maalintii ku xigtayba wasiir Toorno ayaa amray in uu gudoomiyahaasi shaqadiisa sii wato maadaama uu isagu horey u magacaabay.

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo Agaasimaha guud ayaa warar hoose sheegayaan in Ay madaxtooyada Ugud biyeen warqad ay kaga cabanayaan qaabka Wasiir Toorno wax u waddo.

Ilaa Hadda Si Cad looma oga halka uu ka bilowday Khilaafkani is taajiyay Hawlihii shaqo ee wasaarada Waxbarashada Somaliland.

Isha ku hay mar kasta Somalilandtoday

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this