Deeq A. Posted February 23, 2022 Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka iyo habraaca doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka. Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#078, HOP#012 iyo HOP#137, kuwaas oo la sheegay in la dooranayo 25-ka bishaan febraayo. Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay liiska odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka soo dooraneyso xildhibaanada saddexda kursi. Kuraastaan waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :- HOP#048: Cabdullaahi Gaafow Maxamuud HOP#012: Yuusuf Xayle Jimcaale HOP#137: Saadiq Cabdikarim Xaaji Ibraahim Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites