Sign in to follow this  
Deeq A.

Isreal oo markii u horaysay taariikhdeeda xil sare u magacowday nin Muslim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Tel Aviv (Caasimada Online) – Khaled Kabub ayaa loo magacaabay xaakimkii ugu horreeyay ee Muslim ah oo kursi joogto ah ka yeesha Maxkamadda Sare ee Israel, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxkamadda.

In ka badan 20% muwaadiniinta Israel waa Carab, waxaana jiray sharci-yaqaano Carbeed oo ka tirsan maxkamadda sare tan iyo 2003-dii, laakiin dhammaan dadkii hore ee la magacaabay waxay ahaayeen Masiixiyiin.

Kabub, oo 63 jir ah, ayaa noqdat Muslimkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loogu magacaabo maxkamadda qaranka Israel halkaas oo Carabta, Masiixiyiinta iyo Muslimiinta, ay intooda badan ka cawdaan in ay faquuq la kulmaan.

Kabub oo markiisii hore garsoore ka ahaa maxkamadda degmada Tel Aviv, ayaa wuxuu ka mid noqday afar garsoore oo cusub oo ay magacaabeen guddi ka kooban garsoorayaal ka tirsan maxkamadda sare, wasiirro, sharci-yaqaanno iyo qareenno,

Maxkamadda Sare ee Israel waxay si joogto ah u dhegaysataa kiisas taabanaya meelaha ay isku hayaan Israel iyo Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan xadgudubyada lagu eedeeyay ciidammada Israel ee joogaa Daanta Galbeed ee la haysto.

Ninkaan ayaa wuxuu ku dhashay Magaalada Jaffa wuxuuna kasoo baxay Jamaacadda Tel Aviv University halkaas oo uu ka bartay Taariikhda iyo Islaamka.

Qofka kale ee kaliya ee Muslim ah oo Maxkamadda Sare ee Israel kamid noqdo wuxuu ahaa Abdel Rahman Zoabi kaasoo shaqo kumeel gaar ah oo Hal Sano ah la siiyey sanadkii 1999.

The post Isreal oo markii u horaysay taariikhdeeda xil sare u magacowday nin Muslim ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this