Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo shirkii ugu weynaa la furtay IMF kadib janhabaadii ay soo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir balaaran oo ku saabsan arrimaha maaliyadda Soomaaliya ayaa u furmay dowladda Soomaaliya iyo hey’adda lacagta adduunka ee IMF, kaas oo bilaawday Talaadadii shalay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyey shirkaas, isagoo sheegay in shirkaan uu yahay mid aad u balaaran oo soca doona ilaa 8-da bisha dambe.

Shirkaan ayaa ku soo aaday xilli saacadihii u dambeeyey ay IMF soo saartay digniin ah inay joojin doonaan lacagaha ku baxa barnaamijyada ay taageeraan ee Soomaaliya, markii la gaaro bisha May, haddii uu sii socdo dib u dhaca doorashada Soomaaliya.

“Shirkaan waxa uu soconayaa 22-kii bishaan ee shalay laga soo bilaabo ilaa 8-da bisha soo socota, waxaad halkaas ka garan kartaan ahmiyada shirkaan oo ka balaaran kuwii horay u dhex-mari jiray dowladda Soomaaliya iyo hey’adda lacagta aduunka,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in wajiga koowaad ee shirkaan diiradda lagu saarayo wixii dhanka maaliyadda Soomaaliya uga qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo qeybaha dambe ee shirkana lagu odorosi doono koboca maaliyadeed ee Soomaaliya ay sameyn karto sanadka soo socda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkaan ay qeyb ka yihiin dhowr wasaaradood oo dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo Bangiga Adduunka, iyadoo doorka ugu weyn ay leeyihiin wasaaradda maaliyadda iyo hey’adda IMF-ta.

“Bangiyada caalamka markii ay dalalka kala xaajoonayaan deyn cafin iyo wixii lamid ah, hadii doorasho la galo shaqada socota waa joojiyaan, laakiin anaga nagama joojin, waxa aan kabka miisaaniyadda aheyn lama jarin, mashaariicdu sidiibey u socotaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Beyle.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in hey’adda IMF ay kula heshiiyeen in aysan dib u dhigin imtixaanada ku saabsan shaqada socota ee deyn cafinta Soomaaliya.

“Sida caadiga ah waxay ahaan laheyd in IMF ay dib u dhigato howshaan oo shaqadaan dib loo bilaabo markii madaxweyne cusub la doorto, waxaan ogeyn in taasi ay dib u dhac badan nagu keeni karto, marka waxaan ku qancinay in shaqadu sideeda ay u sii socoto,” ayuu yiri.

Arrimaha ay kula heshiiyeen IMF waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya Maarso ay la shiri doonaan madaxweynaha Soomaaliya, maalinka la doorto maalinta ka dambeysa, sida uu sheegay wasiir Beyle.

Hoos ka daawo

The post DF Soomaaliya oo shirkii ugu weynaa la furtay IMF kadib janhabaadii ay soo saartay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this