Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Rooble oo caawa isugu yeeray xildhibaanada la doortay ee reer waqooyiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland.

Xubnahaan oo dhawaan lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa isugu jiray labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa casho sharaf u sameeyay xildhibaannada dhawaan la doortay ee Labada Aqal ee BJFS ku matalaya Gobollada Woqooyi ee Somaliland.”

Laba maalmood ka hor ayaa Muqdisho lagu doortay 3-dii xildhibaan uu dambeysay doorashada kuraasta labada Aqal ee gobollada waqooyi, waxayna dhamaan xubnihii la doortay caawa ka soo muuqdeen casho sharafta uu u sameeyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

11-xubnood oo golaha Aqalka Sare ah iyo 46 oo golaha shacabka ah, markii la isku darana ah 57-mudane ayaa baarlamaanka Soomaaliya ka soo gasha gobollada waqooyi ee Somaliland, kuwaas oo hadda dhamaantood lasoo doortay.

Guddigii loo xil-saaray doorashada kurasta laba aqal ee Somaliland ayaa aad loogu amaanay inay doorashada deg deg u soo gabagabeeyeen, ayadoo aan la gaarin waqtigii loo asteeyey.

Laba maalmood ayaa ka dhiman waqtigii lagu heshiiyey in lagu soo afjaro doorashada golaha shacabka, waxuuna ku egyahay maalinta Jimcaha ah ee soo socota oo ku beegan 25-ka Febraayo.

Hase yeeshee waxaa jira cagajiid ay sameynayaan dowlad goboleedyada qaar iyo goobo weli shaki la gelinayo in doorasho lagu qaban karo, sida magaalada Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

274224944_4874693842586557_3621223015671 274355864_4874694415919833_4236376840402 274381247_4874693272586614_6890212803717 Abshir-Bukhaari.jpg?resize=696%2C464&ssl Mahdi-guuleed.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 rooble-1.jpg?resize=593%2C395&ssl=1 274696547_4874689222587019_7249107650292 alcadaala-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 dubbe.jpg?resize=696%2C464&ssl=1xariir.jpg?resize=696%2C464&ssl=1taliye-cabdifitaax.jpg?resize=696%2C464& xildhibaanada-reer-waqooyiga-somaliland.

 

The post Sawirro: Rooble oo caawa isugu yeeray xildhibaanada la doortay ee reer waqooyiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this