Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogay Dalka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay waxa uu ugu yeedhay qeybtii ugu horreysay ee cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka, isagoo sheegay in Moscow ay bilowday duullaanka Ukraine.

“Waxaan hirgelineynaa cunaqabateyn saaran deynta dalka Ruushka. Taasi waxay la macno tahay in aan dawladda Ruushka ka jarnay maalgelinta reer galbeedka, ayuu yidhi Biden, isaga oo intaa ku daray in tillaabooyinka sidoo kale lagu beegsan doono hay’adaha maaliyadeed, iyo dadka sare ee Ruushka.

Waxa uu Maraykanku mar sii horreysay sheegay in ciidamada Ruushku u dirayo labada Jamhuuriyadood ee ay Moscow taageerto, ee isku magacaabay bariga Ukraine ay la macno tahay bilawga duullaanka.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Boqortooyada Ingiriiska ay cunaqabateyn ku soo rogtay bangiyada Ruushka iyo shakhsiyaadka hantida sare leh halka Jarmalka, oo ah mid ka mid ah xulafada reer galbeedka ee Kyiv, uu joojiyay nidaamka ansixinta mashruuca dhuumaha gaaska ee Nord Stream 2.

Xukuumadda Moscow ayaa iska fogeysay hanjabaada ka soo yeedheysa dalalka reer galbeedka ee ka imaanayay tillaabooyinka aargoosiga ah, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Sergey Lavrov uu sheegay in Ruushka uu caadeystay cunaqabateynta

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken ayaa baajiyay kulan uu hore u qorsheeyay Lavrov oo lagu waday inuu maanta oo Khamiis ah ka dhaco magaalladda Geneva, isagoo ku eedeeyey Moscow inay diiday Diplomaasiyadda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa soo dhaweeyay cunaqabateynta Mareykanka uu ku soo rogay bangiyada Ruushka salaasadii, isaga oo ugu baaqay caalamka in ay isticmaalaan dhammaan awoodooda dhaqaale si ay u ciqaabaan Ruushka.

Isagoo ka garab hadlaya Blinken-ka Maraykanka, Kuleba ayaa ku eedeeyay Putin inuu dilay heshiiskii Minsk ee lagaga gol lahaa in lagu soo celiyo nabadda bariga Ukraine isagoo aqoonsaday madax-bannaanida laba gobol oo Ukraine ka go’ay.

“Tallaabada Ruushku waa xadgudub weyn oo sharciga caalamiga ah iyo fal gardaro ah oo cusub oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Ukraine. Sidaa darteed, Ukraine waxay si xooggan u aaminsan tahay in hadda la joogo waqtigii cunaqabataynta,” ayuu yidhi.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku cambaareeyay Ruushka inay aqoonsadeen madax-bannaanida gobollada Luhansk iyo Donetsk ee bariga Ukraine, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay ku xad-gudbaynayso “madaxda dhulleed iyo madaxbannaanida Ukraine” iyo sidoo kale axdiga Qaramada Midoobay.

Isha ku hay mar kasta Somalilandtoday

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this