Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Laga Yidhi Safarka Madaxweyne Biixi Ku Tagay Dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Guud ahaanba Shacabka Somaliland, ayaa tan intii Ka dambaysay Markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Socdaal ku gaadhay Dalka Jabuuti isaga iyo Wafti uu Hogaaminayaa, Waxa si aad ah u Faalaynayeen ujeedada dhabta ah ee uu Walhti Xaadirkan Socdaalkiisu Jabuuti daaran Yahey kaas, oo ay labadii Maalmood re lasoo dhaafay qolo Waliba dhinaca ay jeceshahay u  dhigern haseyeeshee, Dawladda Dalka jabuuti ayaa iyaddu ujeedada Socdaalka ku Sheegtay mid ay Martiqaadkeeda uu lahaa Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele islamarkaana, ku Sahabsan xoojinta Iskaashiga iyo Xidhiidhka ka Dhexeeya labada Dal  sida ay u dhigtey Warbaahinta Dawladda ee RTD.

Qaar Kamid ah Mucaaridka Somaliland, ayaa iyagu iyagoo dhaliil uga dhigaya in Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi haysto, Baasaboorka dalka Jabuuti Waxa ay Ku sheeegeen, in Madaxweyne Muusw u doontey Jabuuti Visaha Dal ku galka ah oo uu dhawaan ugu baxayo Dalka Mareykanka halka, Qaar Kalena Sheegeen in uu dhexdhexaadin ka galayo Gudaha Dawladda Jabuuti laf ahaanteeda, arimo ku Sahabasan Saraakiil La taxaabay, oo uu Kamid Taliyihii Ciidamada Booliska Cabdilaahi Cabdi, iyo Kuwa kale, oo iyaguna Sheegaya in ui Heshiisiinayo Madaxweyne Geele iyo Ganacsadaha Cabdiraxmaan Boore, iyo sheekooyin kale, oo dhamaantood Kutidhi Kuteenta Waxa ay Soomaalidu u Taqaano ah.

Sikasta, oo ay tahey Waxa Muuqata in Dawladda Somaliland ee hormuudka u yahey Madaxweyne Muuse Biixi ay inta ugu badan Sir ka dhigtey guud ahaanba dhaqdhaqaaqyada Dhinaca Siyaasadeed ee Dawladdaha Jaarka ah sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya, taas oo Ku Noqotey Shacabka xadhkaha ku goostey dhinaca Baraha Bulshada iyo Faafinta Wararka arimaha Dhinaca Sirta Dawladdnimo taas, oo mar kasta Caqabad ku ah Geedi Socodka Arimaha Dawladdnimo ee Somalikand.

Isha ku hay mar kasta Somalilandtoday

Somalilandtoday/Burco/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this