Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka gobolka GEDO oo war cusub kasoo saaray doorashada Garbahaarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Mudane  Axmed Buulle Gareed oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay doorashada 16-ka kursi ee taalla gudaha magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka, kuwaas oo ay hareeyey murano xoogan.

Buulle ayaa shaaciyey in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay in doorasho ay ka dhacdo Garbahaarey.

“Ra’iisul wasaaraha isaga ayaa ah guddoomiyaha doorashada isagaa laga rabaa in Garbahaarey ay doorashada ka dhacdo isagaa laga rabaa in 16-ka kursi Garbahaarey uu geeyo,” ayuu Axmed Buulle Gareed ku yiri wareysigan oo uu siiyey Shabelle TV .

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo oo hadalkiisa sii wada ayaa sidoo kale xusay in ka maamul ahaan ay  diyaar u yihiin qabashada doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaarey, wuxuuna xusay in doorashada ay u dhici doono si xor iyo xalaal ah.

“Aniga haddii aad i weydiiso kalsooni 100% ayaan ka qabaa doorashada inay ka dhaceyso Garbahaarey waxaan ogahay inay si xor iyo xalaal ah kusoo bixi doonaan” ayuu raaciyey.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in haatan aysan wax wada shaqeyn ah kala dhexeyn maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, isla-markaana cidda la doonayo inay wax isku raadiyo ay tahay dowladda federaalka ah, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha.

“Annaga iyo Axmed shaqo iskuma lihin horey ayaa kuugu sheegay ra’iisul wasaaraha ayaa laga rabaa inuu wax isku raadiyo ,” ayuu markale yiri guddoomiye Gareed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maamulka Jubbaland ee xaruntiisa KMG ah ay tahay degmada Kismaayo uu ku dhowaaqay in aysan doorasho ka dhici karin magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, taas oo uga sii dartay caqabadaha ka taagan doorashada.

The post Maamulka gobolka GEDO oo war cusub kasoo saaray doorashada Garbahaarey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this