Deeq A. Posted February 22, 2022 Waxa aragayga iyo maqalkaygaba soo jiitay qiso ka dhacday dalka ciraq waqtigii oo talada dalka hayay Allah ha naxariisto e Saddam Xuseen. Qisadan oo uu ka waramay Ziyad Tariq Aziz oo ahaa wiil uu dhalay Madaxii Diblomaasiyada ciraq Tariq Aziz oo wasiirkii Arrimaha debedda ciraaq oo ku ahaa reer galbeedka iyo waxay cago ku qaataan la dhuun gashay. Ziyad Tariq Aziz waxa uu ka sheekeeyay dhacdo gabadh ciraqiyad ah oo ay ku aflagaadoodeen ilaaladii wiil uu dhalay Saddam oo lagu magacaabi jiray Qusay Saddam Xuseen, gabadhaas oo dacwadeedii gaadhay madaxweyne Saddam. Bal hadaba ila dhugo waxa uu yeelay madaxweyne saddam markii warka dacwada wiilkiisu soo gaadhay. Madaxweyne Saddam waxa uu isugu yeedhay dhamaan hogaankii sare ee dalka ciraaq iyo ubadkoodii, waxa uu u shiday cajalad video ah oo uu ka muuqdo wiilkii madaxweynaha oo la karbaashayo isaga oo gashan dishaashad (qamiis) dac daraysan. Madaxweyne Saddam ayaa igu yidhi si dagaal ku jiro is taag waaZiyad Tariq, waxuu igu yidhi saw lamaad socon, waxaan ku idhi madaxweyne waan ka soo noqday oo maan joogin markii arrintani dhacday, waxuu igu yidhi waan ogahay hadii se aad la joogi lahay adna waa lagu dhengedayn lahaa. Hadaba madax badan oo dunida joogta ayaan ubadkooda raalli kaga noqon inay ku tacadiyaan shacabkooda iyo muwaadiniinta kaleba lana xaq dhawro sharciga iyo nidaamka dalka. Bal hadaba halkan hargeisa waxa ka dhaca falal ubadka madaxda somaliland gaystaan sharci iyo shakhsi qabtaana aanu jirin, waxa kale la yaab ah dunida kale caruurta madaxdu dhashaa way is dhowraan si aan waalidkood sumcad daro u soo gaadhin, dalkan somalilandna caruurta madaxdu dhashaa iyaka ayaa ugu dhaqan xun dadka. Waxa aad wax loo qadariyo ah madaxweynayaashii hore ubadkooda xitaa lama maqli jirin dadkana lagama aqoon. لا يتواضع الا من كان واثقا من نفسه ولا يتكبر الا من كان ناقصا Ibrahim Duale Sulaiman tallaabo25@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites