Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxii Jabhadaha iyo dagaalamayaal badan oo Al-Shabaab looga laayey Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliya ee Danab ayaa saacadihii lasoo dhaafay gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle ku dilay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Danab.

Sarkaalkii ugu sareeyey garabka Jabhadaha ee Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Hiiraan iyo 60 dagaalame oo kale ayaa maanta lagu dilay howlgal qorsheysan, waxaana lasoo bandhigay sawirro muujinaya in ciidanku la wareegeen xarumo ay la haayeen Al-Shabaab.

Ciidanka Danab ayaa howlgalkaan lagu laayey Al-Shabaab waxay ka fuliyeen deegaanada Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burcadheer oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan ayaa hoggaaminayey howlgalkaan oo ururka 7-aad ee kumaandooska Danab ay fuliyeen, sida lagu shaaciyey warbixintaan.

Ciidanka ayaa burburiyey xarumo qaraxyada ay ku farsameyn jireen Al-Shabaab, sidoo kalena ay dadka shacabka ah uga uruursa jireen lacago baad ah, sida laga soo xigtay saraakiisha Danab.

Warbixinta howlgalkaan laguma shaacin magaca sarkaalka sare ee lala dilay dagaalamayaasha badan ee ka tirsanaa Al-Shabaab, balse waxaa la soo bandhigay sawirrada xurumihii kooxda oo gubanaya.

Hoos ka eeg sawirrada

Danab-howlgal.jpg?resize=600%2C450&ssl=1 Maxkamada-Al-Shabaab.jpg?resize=696%2C52 274696346_4870886089633999_4258240584537 Danab-1.jpg?resize=600%2C450&ssl=1

Danab-2.jpg?resize=600%2C450&ssl=1 Danab-3.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 danab-4.jpg?resize=696%2C855&ssl=1 Danab-5.jpg?resize=696%2C731&ssl=1 Danab-6.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 Danab-howlgal.jpg?resize=600%2C450&ssl=1 Maxkamada-Al-Shabaab.jpg?resize=696%2C52

The post Sawirro: Madaxii Jabhadaha iyo dagaalamayaal badan oo Al-Shabaab looga laayey Hiiraan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this