Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo: Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
marxuumkaas.jpg?resize=556%2C551&ssl=1

Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliya, kana soo jeeday gobolka Sool ayaa maanta lagu dilay qarax ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu dhejiyay gaari nooca raaxada ah oo uu watay Sheekhu. Welina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa.

Madaxda Puntland iyo jubaland ayaa tacsi u diray dhammaan eheladii, asxaabtii, bulshoweynta gobolka Sool iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed ee ka geeriyooday Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed.

Qaraxa ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta ay magaalada Kismaayo ka dhacday doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka.

PUNTLAND POST

The post Kismaayo: Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this