Deeq A. Posted February 22, 2022 Maalqabeen Doonaya inay lacagtiisu ka baajiso Geeri. Aasaasaha shirkada Amazon Jeff Bezoz ayaa maalin galinaya cilmibaadhis cusub oo ku saabsan in aadamuhu noolaan karo gabow la’aan mudo dheer. Sheybaarka Altos Labs,ayaa ka shaqeyn doona in uu ogaado sida loo beddelo geeddi-socodka gabowga ee biniaadamka. Tani maaha markii ugu horeysay ee ninkan uu maal giliyo cilimi baaris noocan oo kale ah, sida muuqata Jeff Bezo ma rabo in in uu gabowboo. Sheybaarkan oo qarsoodi ah ayaa waxaa uu shaqaaleysiinaya aqoonyahanno kuwaas oo baaraya sida unugyadu u da’aan iyo waxa la samayn karo si loo yareeyo habka gabowga si ay unugyadeenu wakhti dheer usii jiro. Saynisyahannada ayaa waxaa ay qaadanayaan $1 milyan oo mushahar sanadle ah. Hadii arintan lagu guuleysto, waxaa uu surogal noqon doonta in biniaadamka uu daawo u helo gabowga ama duqnimadda. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites