Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo: Sheekh Qarax Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in goordhaw qarax xooggan uu ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo.

Qaraxa oo ahaa mid lagu xiray gaari ayaa lala eegtay Sheekh Cabdinasir Xaaji Axmed oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, waxaana wararka ay sheegayaan in qaraxa uu ku geeriyooday Sheekha.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee kale ee ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Sheekh Cabdinasir Xaaji Axmed ayaa la sheegay in uu magaalada u dhawaan ku qaban rabay muxaadaro.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this