Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Khasaaro Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Duleedka Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Shil geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah ayaa waxaa uu maanta ka dhacay duleedka magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, kadib markii uu rogmaday gaari yar oo nuuca raaxada ah, kaas oo ka baxay Garowe.

Shilka ayaa yimid kadib markii gaariga uu  ku rogmaday tuulo lagu magacaabo Xaaji Kheyr, waxaana la xaqiijiyey in ay saarnaayeen sedex ruux oo rag ah, waxaana uu kusii jeeday magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Shilka gaariga ayaa waxaa inta la xaqiijyey ku geeriyooday hal qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay laba kale oo ka dhigan in dadkii saarnaa gaari khaase soo wada gaaray, dadka degan Tuulada Xaaji Kheyr ayaa gurmad ugu yimid.

Magaalada Garowe iyo Boosaso wadada xiriirisa ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilal gaari, kuwaas oo dad shacab ah waxyeello  kasoo gaarto  isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, waxaana shilku mid kusoo  laablaabtay in badan halkaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this