Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Free speech in Soomaali Galbeed

Recommended Posts

Former SOL member Abtigiis (Cagjar) says there is more free speech in Soomaali Galbeed than Ingiriiska iyo Mareykanka. Ma saxsanyahay?

Madaxweyne Mustafe Cagjar " Xorriyatul qawlka degaankeenna ka jirta, Ingiriis & Maraykan toona kama jirto

2022222637810858645339447.jpg

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa mar uu ka hadlayay kulankii xildhibaannada, waxa uu ka hadlay arrin inta badan laga hadlo oo ah arrinta xorriyadda hadalka.

Waxa uu Madaxweyne Mustafe cagjar xusay in xorriyadda hadalka ee ka jirta degaanka Soomaalida aysan ka jirin dunida inteeda kale, oo uu tusaale usoo qaatay Ingiriis iyo Maraykan, oo uu sheegay in wadamadaasi uu jiro ganaax ladul dhigo qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka.

Waxa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay ka dowlad ahaan in lala qabsado arrinta ganaaxa qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka, oo xariggii qofka loogu baddalo ganaax kale oo xanuujiya, haddii laga fiirsan waayana qofkii la xiro.

Xorriyadda hadalka ayay in badan dowladdu ka hadashay, horey waxay dowladdu u sheegtay in dadku aysan horey ula qabsan xorriyadda hadalka, maadaama in badan shacabka lasoo cabudhin jiray, balse waxay dowladdu carrabka ku adkaysay in wax walba xad leeyahay, qofkii xadkaas ku xad gudbaana laga tallaabo qaadayo.

Xorriyadda hadalka ayaa deegaanka Soomaalida ka hirgashay wixii ka dambeeyay isbaddalkii ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida dabayaaqadii sannadkii 2018, xilligaas wixii ka dambeeyay dadku fikirkooda ayay si xor ah u cabbiraan, iyadoo dowladduna ay intii dambe billowday inay ka tallaabo qaado ciddii ku xad gudubta xorriyadda hadalka.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Mustafe cagjar "Shacabka Soomaaliyeed muran kuma jiro in uu ka raystay dowladdii TPLF"

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo u waramayay warbaahinta dowladda ee EBC ayaa waxa uu ka war bixiyay degaanka Soomaalida waxyaabihii u qabsoomay tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu talada dalka iyo degaankaba qabtay xisbiga Barwaaqo.

Madaxweynuhu wuxuu ugu horreyn sheegay in intii uu talada dalka qabtay xisbiga Barwaaqo, uu degaanku helay xuquuq badan oo markii hore ka maqnayd, sida matalaadda heer fadaraal ah oo Aaden Faarax oo Soomaali ahi uu guddoomiye u yahay xisbiga Barwaaqo, sidoo kalena xubno Soomaali ah ay ku dhex jiraan xisbigii oo iyagu maanta ku hadlayaan codka Soomaalida.

Madaxweyne Mustafe cagjar waxa kale oo uu sheegay in intii uu xisbigani talada hayay ay Soomaalidu usuurtagashay inay iyagu iskood isku maamulaan, oo aysan jirin cid shisheeye ah oo soo faragalisa arrimaha degaanka Soomaalida, sidoo kalena dad aan horey u hawaysan jirin in maamulka degaanka soo dhex galaan ay maanta xukuumaddii kamid yihiin.

Xuquuqul insaanka ayuu sidoo kale Madaxwaynuhu sheegay inuu yahay waxa u weyn ee degaanka Soomaalida usoo kordhay intii uu xisbiga Barwaaqo talada dalka qabtay, isagoo xusay in degaanka Soomaalidu ahaa degaanka dadka lagu cuno, lagu baabi'iyo oo lagu xasuuqo, halka uu imika yahay degaan dadku diintiisa iyo dhaqankiisa u madax banaan yahay.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in isbaddalladaas muuqda ay shacabku ka markhaati kacayaan, marka laga reebo xoogag uu Madaxweynuhu ku sheegay inay dan ku qabeen siyaasaddii hore ee hadda ka hor dalka ka jiri jirtay ee TPLF hoggaaminaysay, oo uu sheegay inay u cuntami la'dahay isbaddalka  haatan si guud dalka uga hanaqaaday.

Ugu dambayn waxa uu Madaxweynuhu sheegay in muran uusan ku jirin in maanta shacabka Soomaaliyeed uu ka raystay dowladdii ay majaraha u haysay TPLF, intii uu isbaddalku jirayna shacabka Soomaaliyeed wanaag badan heleen, balse uu jiro wax badan oo ay wali tabayaan.

Hadallada Madaxweynaha ayaa kusoo hagaagaya xilli lafilayo in shirwaynihii 1aad ee xisbiga Barwaaqo uu ka furmo dhawaan magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ku dhan yihiin dhammaan xubnaha xisbiga Barwaaqo, oo isugu jira kuwo heer fadaraal ah iyo kuwo heer degaan ah.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.