Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
Shil-gaari.jpg?resize=960%2C960&ssl=1

Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh ayaa ka dhashay shil gaari oo maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Dalsan iyo Xaaji khayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Gaariga oo ka baxay magaalada Garoowe kuna sii jeeday dhinaca Boosaaso ayaa rogmaday ka hor inta uusan gaarin tuulada Xaaji Khayr sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Gaariga oo ay saarnaayeen saddex nin ayaa sida la xaqiijiyay hal ruux ku geeriyooday halka labadii kalena ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Ciidanka Taraafikada Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan sababta keentay shilka.

PUNTLAND POST

The post Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this