Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Dhabbaa In Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ay Iibisay Xaruntii Guud Ee Taliska Ciidanka Asluubta Somaliland??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay  xaruntii guud ee taliska Ciidanka asluubta Somaliland ee Magaalada Hargeysa ay ku wareejisay koox Ganacsato laggu shuraakeeyey,waxaana la sheegay in dhawaan halkaas lagga rari doonno ciidanka asluubta Somaliland.

Xaruntan taliska ciidanka asluubta Somaliland oo ku taal boqcad aad u mihiim, isla markaana ka soo horjeeda cisbitaalka guud ee Magadaalada Hargeysa ayaa la sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay faasaxday,isla markaana ay ku wareejisay Ganacsato la sheegay inay ka soo jeedaan Beesha Musharraxa Cirro,kuwaas oo xogguhu ay sheegeen in aan la caddayn karrin in Madaxweyne Biixi uu u hibeeyey goobtaas iyo inuu ka iibiyey,hase-yeeshee waxa ay xogguhu u xaqiijiyeen war-baahinta Yoolnews in Bogcaddaas laggu wareejiyey Ganacsatadaas.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa u muuqata inay biloway talaabooyinka ay ku dabar-goynayso hadhaaga Dhismeyaasha Dawladda ee lagama maar-maanka u ahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo Dhulka Danta guud ah, taas oo u muuqata boob iyo xaraash ay lacag ku bedelanayso ka hor intaanay dalka ka qabsoomin Doorashooyinka Madaxtooyada.

Dhana kalene Xaruntan hadda la sheegay in laggu dhaxal-wareejiyey Ganacsatada ee ciidanka asluubta ayaa ah Bogcadda aad u mihiim,isla markaana ku fadhida dhul-baaxad weyn,waxaanay tallaabani ay muujinaysaa in Xukuumaddii Siilaanyo wixii ay ka xishootay ay samaynayso Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo ay dhulkii xeryaha ciidamada bilowday inay iibiso ama ay bixiso .

Sidoo kale xoggaha ayaa sheegay in ciidanka asluubta lagga rari doonno, isla markaana ay si rasmi ah u mulkiyi doonnaan goobtaas kooxda Ganacsatada ah ee gacan saarka la leh Madaxtooyadda ee sida hoose looggu wareejiyey,waxaana ay xoggaha qaar sheegeen in ciidanka loo rarayo  koonfurta Magaalada Hargeysa,balse si dhab ah looma ogga halka la dejin doonno illaa hadda.

Arrintan ayaa maalmihii ugu dambeeyey ay bulshada reer Somaliland  si weyn ugu haddal hayeen goobaha ay ku kullanto,waxaanay eedeymo ujeedinayeen xukuumadda Madaxweyne Biixi iibinta iyo bixinta dhismeyaasha iyo Dhulka dawladda gaar ahaana xarunta mihiimka ahayd ee taliska ciidanka asuubta Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo la xidhiidha arrintan, marka lagga yimaado xoggaas Yoolnews helay ee u xaqiijiyey in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay xaruntii taliska ciidanka asluubta ee Magaalada Hargeysa ay ku wareejisay Ganacsato ka samaysanaya goobo Ganacsi,balse waxaynu dhawrnaa waa maal-maha soo socda iyo arrimuhu halka ay saldhigtaan iyo shaqsiyaadka laggu wareejiyey goorta ay sida muluca godka ka soo mudh baxaan.

Xigasho: Wargeyska Waabari

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this