Sign in to follow this  
Deeq A.

Ambasadoor Cawil Iyo Cali Warancade Oo JABUUTI Ku Maleegaya Qorshihii Lagu Ridi Lahaa Guddiga Guud Ee Beelaha Gar-xajis

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ambasadoor Cawil Cali Ducaale iyo Cali Maxamed Waracade oo ku sugan dalka Jabuuti, ayaa ku hawlan qorshe ay rabaan inay ku burburiyaan guddiga guud ee beelaha Gar-xajis, sidoo kalena colaad iyo cunfi-siyaasadeed ku dhex dhigi lahaayeen beelaha Gar-xajis.

Warar shebekada Yoolnews ka helay ilo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa labadaa xubnood, ayaa tibaaxay joogitaan dalka Jabuuti ee labada xubnood inuu salka ku hayo dejinta qorshihii lagaga takhalusi lahaa gudigga Guud ee beelaha Gar-xajis, isla markaan lagu dhisi lahaa guddi cusub oo ku shaqeeya siyaasada ay gadh-wadeenka ka yihiin, taas oo ah sidii mar labaad talada dalka uu ugu soo laaban lahaa Madaxweyne Muuse Biixi, iyo sidoo kale in la helo wax kastoo surtagal ka dhigi kara mudo kordhin kasoo hormarta waqtiga doorashadu ku astaysan tahay.

Geesta kale waxa wararku intaasi ku dareen labada xubnood inay naawilayaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen weftiga Madaxweyne Biixi ee lagu wado inay dhowaan socdaal ugu baxaan dalka Maraykanka, waxaana xoguhu xuseen Madaxweyne Biixi iyo wefdigiisu inay FIISAHA ama dal ku galka Maraykanka ka dalban doonaan safaaradda Marakanku ku leeyahay dalka Jabuuti.

Dhanka kalena arinta dalbashada FIISAHA ee wefdiga Madaxweyne Biixi ee Jabuuti ayaa lala xidhiidhnayaa khilaaf dibolaamiyadeed oo soo kala dhexgalay dawlada Itoobiya iyo Somaliland, kadib dhaqdhaqaaqyo saanad milateri oo Madaxweyne Biixi soo iibsaday, taas oo Madaxweyne Biixi sharixi kari waayey sababta ku keliftay, maadaama aanay jirin hada cid colaadi ka dhexayso Somaliland. Waxa kaloo arintaasi sii xoojisay shakiga dawlada Itoobiya ka qabtey inay gudaha Somaliland ku sugan yihiin xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Jabhada Tigreyga.

Xigasho: Yool

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this