Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada xildhibaan ee ka dhacday KISMAAYO?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Somalia ee ay deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:- HOP#072, HOP#130, HOP079, HOP#112 iyo Hop#136, waxaana ku soo baxay:-1- Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ku guuleystay kursiga HOP#072.

2-Mowliid Cabdi Maxamuud oo kusoo baxay kursiga HOP#130.

3-Maxamuud Muxumed Cumar (Kuulow) ookusoo baxay kursiga HOP#079.

4-Cabdiqaadir Maxamed Waceys oo ku guuleYstay kursiga HOP#112.

5-Cumar Yuusuf Qaladdiid oo ku guuleystay kursiga Hop#136

Xubnaha soo baxay ee uu ka midka yahay C/rashiid Xidig ayaa guushooda horey loo sii oogaa, maadaama loo xiray kuraastan, waxayna aad ugu dhow yihiin Axmed Madoobe.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa saddexda kursi ee kale ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa waxaa ka socota doorashada Golaha Shacabka, walow ay weli caqabad ka taagan tahay deegaan doorashada labaad ee Garbahaarey, wuxuuna maamulka Axmed Madoobe horey u shaaciyey in doorasho aysan ku qaban karin gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, doorashada baarlamaanka ayaa qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo ka hor 25-ka bishan Febraayo, balse waxa ay u muuqaataa inay doorashada dib usii dhici doonto.

274623079_164475489250803_47204268618893274036948_164475485917470_34662919679917274136958_164483122583373_58830009763224274165476_164488115916207_70565023154924274291765_164495639248788_69549572270780274322445_164503085914710_38499544586752

The post Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada xildhibaan ee ka dhacday KISMAAYO? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this