Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Garoowe oo hawlgal qorshaysan ku qabtay maandooriye iyo dadkii isticmaalayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Booliiska oo kaashanaya hay’adaha Sirdoonka Puntland ayaa xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay caasimadda Garoowe.

Ciidanka ayaa hawlgalka ka fuliyay qaar kamid ah xaafadaha Garoowe islamarkaana baaritaan ku sameeyay guryaha iyo gaadiidka dadweynaha si loo xaqiijiyo Amniga.

War ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu qabtay maandoriyaal iyo dadkii isticmalayay.

Garoowe oo kamid ah magaalooyinka ugu amniga badan Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ku soo badanayay dadka isticmaala noocyada kala duwan ee maandooriyaha.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Garoowe oo hawlgal qorshaysan ku qabtay maandooriye iyo dadkii isticmaalayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this