Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Burhaan oo la sheegay in uu diiday kulan uu codsaday Madaxweyne Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
Dani-Boqorka.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Warar soo baxaya ayaa sheegaya, in aanu weli suurta-gelin Kulan lagu waday in uu dhexmaro Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimada uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Madaxweyne Deni, oo shalay gaaray magaalada Boosaaso ayaa sida la sheegay kulan gaar ah ka codsaday, Boqor Burhaan Boqor Muuse, balse Boqorka ayaa diidma ka muujiyay Kulankaas.

Madaxweynaha ayaa doonayay in isaga iyo Boqorku ka wada-hadlaan arrimaha ku saabsan xallinta khilaafkii ka dhashay xilka qaadista Agaasimihii PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Siciid Deni iyo Boqor Burhaan ayaa horay ugu kulmay Madaxtooyada Garoowe 17-kii July 2020, kulankaas oo ahaa kii u horreeyay ee dhexmara tan iyo Doorashadii Puntland 8 January 2019.

PUNTLAND POST

The post Boqor Burhaan oo la sheegay in uu diiday kulan uu codsaday Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this