Sign in to follow this  
Deeq A.

Putin Oo Dalal Madax-bannaan U Aqoonsaday Gobollo Ka Tirsan Waddanka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa aqoonsaday laba gobol oo sheegay inay ka go’een bariga dalka Ukraine oo ay yihiin dalal madax-bannaan, taasi oo sare usii qaaday xiisadda kuna abuurtay Reer Galbeedka cabsi ah in dagaal weyni uu qarxi karo.

Putin ayaa kadib amray ciidamada Millatariga Ruushka inay galaan labadaas gobol si ay uga fuliyaan howlgal uu ugu yeedhay “nabad-ilaalin.”

Tallaabada uu qaaday Putin ee uu Jamhuuriyado ugu aqoonsaday labada gobol ayaa aastay heshiiskii nabadda ee jilicsanaa ee 2015, waxayna albaabada u furtay in Ruushka ay faro-gelin millatari oo toos ah ku sameeyaan Ukraine.

Laba wareegto oo rasmi ah oo uu soo saaray ayuu Putin ku amray wasaaradda difaaca Ruushka inay “shaqo nabad-ilaalin ah’ ka billawdo gobollada Donetsk iyo Lugansk.

Moscow ma bixin wax faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan ciidammada loo dirayo labada gobol, waxaana wareegtada lagu qoray “inay dhaqan-galeyso marka la saxeexo.”

Ruushka ayaa tobanaan kun oo askari u diray xuduudaha Ukraine, ayada oo Reer Galbeedkana ay sheegeen in Moscow ay qorsheyneyso inay u adeegsato weerar dhici kara daqiiqad kasta.

Wareegtada uu soo saaray, ayuu sidoo kale Putin ku amray wasaaradda arrimaha dibedda “inay xidhiidh diblomaasi” la yeelato “labada Jamhuuriyad”.

Qoraal kasoo baxay baarlamanka Ruushka ayaa sidoo kale “lagu aas-aasay sharciyadda labada dal iyo joogitaanka millatariga Ruushka oo loo arko inay lagama maarmaan u tahay nabad ilaalinta gobolka iyo sugidda amniga.”

Ruushka iyo labada gobol ee goostay ayaa sidoo kale isku raacay inay wadaagaan saldhigyada millatari, islamarkaana ilaaliyaan xuduudaha.

Goor sii horeysay, hoggaamiyaha Ruushka ayaa ka dalbaday Ukraine inay hakiso howlgallada millatari ee ka dhanka ah mucaaradka Moscow ay taageerto ee Bariga Ukraine, ama ay waajihi doonto dhiig badan oo daata.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this