Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Iyo Ganacsade Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Xalay La Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Maxamed Cabdillaahi (Bookh) oo ah siyaasi iyo ganacsade ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa xalay lagu xidhay magaalada Gabiley.

Lama oga illaa hadda sababta loo xidhay Siyaasi Maxamed Cabdillaahi (Bookh) balse Xog-hayaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Warshadaha Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo ka hadlay xadhiga siyaasiga ayaa sheegay inay sababta loo xidhay ay tahay ka dib markii uu ka dhago adayga dalab uga yimid madaxweyne Biixi oo la xidhiidha in uu la shaqeeyo.

Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi sida tan

XAQIIQADA XADHIGA SIYAASI BOOKH KA FOG SHIR-JARAAID..

Waxaan ereyadda ugu adag ku cambaaraynayaa xadhiga sharciga baal marsan ee sidii taliskii Siyaad Siyaad Bare xalay saqdii dhexe lagula kula kacay isagoo ku sugan meheradiisa Gabiley, Ganacsade- Siyaasi Maxamed Cabdillaahi (#Bookh). Waxaa dhawaan dhacday in Booyad shidaal oo Kaalintiisu leedahay si badheedh xukuumaddu u qabsatay walow markii dambe la sii daayay dedaal dheer kadib.

Masuulkan ka tirsan Xisbiga rejada Shacabka, culaysyada la saaray Ganacsigiisa, dad badan oo ehelkiisa oo shaqooyinka dawlada laga eryay iyo xag-xagasho kaleba waa ku socotay in muddo ah. Runtii anigu xadhigiisa waan filayay (isna waan u sheegay inuu fisho) inuu imanayo kadib ergooyin iyo kulan uu madaxwaynuhu la yeeshay oo ugu kaga dalbaday inuu la shaqeeyo balse uu ka cudurdaartay iyo balamo dambe oo uu ka baaqsaday inuu ajiibo.

Arimo masiiri ah oo deegaanka-naga ah iyo sida Madaxtooyaddu gaboodka ugu noqotay musuq wayn ooo malaayiin doolar oo cashuurta degmada lagu lunsaday, Gobolnimadda Gobolka Gabiley, qorshaha xidhista marin-ganacsiyeedka Kalabaydh ee Madaxwaynuhu gacanta ku hayo,  iyo kala qaybin bulshada walaalaha ayuu Mahamed Abdilahi Bookh si aan gabasho iyo habrasho toona lahayn farta ugu saaray madaxwaynaa muddo dhowr bilood ah ka hor. Hadda halkaa u dhaafi maayo, waxaanse balan ah inaan idinla wadaagi doono wixii dhex maray haddii ay ka fursan waydo.

Waxaan ugu baaqayaa xukuumaddu iney u soo celiso xorriyadiisa sida ugu dhakhsaha badan.

Allaa Mahad leh,

Xamse Cabdiraxmaan Khayre

Xog-hayaha Ganacsiga, Dalxiiska & Warshadaha

Xisbiga Rejadda Shacabka, Waddani.

Halkan hoose ka DAAWO siyaasiga la xidhay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this