Sign in to follow this  
Deeq A.

Putin oo weji cusub u yeelay xiisadda ka taagan Ukraine+Wareegto uu soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Putin oo weji cusub u yeelay xiisadda ka taagan Ukraine

Askari Ukraine u dhashay oo ku sugan jiidda hore ee Donetsk
Askari Ukraine u dhashay oo ku sugan jiidda hore ee Donetsk

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa wareegto uu soo saaray ku shaaciyay in laba gobo loo kamid ah Ukraine uu u aqoonsan yahay dalal madax bannaan.

Labada gobol ayaa kala ah Donetsk iyo Luhansk, waxaana sanadihii dambe ku dagaallamayay xoogag gooni u goosad ah oo taageero ka helaya Moscow iyo ciidamada Ukraine.

Aqalka Kremlin ee Ruushka ayaa sheegay in Putin uu go’aankaas ku wargeliyay hogaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka.

Waddamada Galbeedka ayaa marar badan uga digay Ruushka inuu dalal madax bannaan u aqoonsado gobolladaas, waxaana la filayaa in tallaabadan ay soo xirto albaabka wadaxaajoodka.

Putin ayaa sheegay in Ukraine aanay lahayn taariikh waddan sax ah, waxaana uu madaxda dalkaas ku eedeeyay waddaniyad been ah iyo musuq maasuq.

Weriyaha BBC uga soo warrama Moscow ayaa sheegaya in tallaabada xigta ay noqon karto in Ruushka uu ciidamo u diro gobolladaas, kadibna ay halkaa kula dagaallamaan xooggaga Ukraine.

Saddex aag oo uu Ruushka ka billaabi karo duullaanka milateri ee la rumaysan yahay inuu ku qaadi rabo Ukraine ayaa kala ah:

Bariga Ukraine

Waxaa si weyn indhaha loogu hayaa gobollada Donetsk iyo Luhansk ee ku yaalla bariga Ukraine balse sheegay inay ka go’een dalkaas. Waa labada gobol ee uu hadda Ruushka u aqoonsadan dalal madax bannaan. Tan iyo sanadkii 2014, waxaa deegaannadaas ku dagaallamayay ciidamada Ukraine iyo fallaago gooni u goosad ah oo gacan ka helaysa Ruushka.

Khubarada milateriga ayaa rumaysan in aaggan uu yahay kan ugu sahlan ee uu Ruushka ka billaabi karo duullaankiisa, maadaama uu horay u geeyay ciidan xooggan.

Muuqaallo satellite lagu qaaday oo ay baahisay qaar kamid ah warbaahinta Galbeedka ayaa muujinaya in ciidamada Ruushka ay maalmihii la soo dhaafay wadeen dhaq-dhaqaaq ay ugu dhawaanayaan furimaha ay ku sugan yihiin ciidamada Ukraine.

Ruushka ayaa la rumaysan yahay in ciidan iyo hub uu ka daabulay saldhigga weyn ee Yelnya uu geeyay gobolka Bryansk ee u dhaw Ukraine. Qiyaastii 700 oo taangi ayaa la rumaysan yahay inay hadda halkaa ku sugan yihiin.

Ciidamada Ukraine ayaa difaacyo adag ka sameystay aaggaas, waxaana ay isu diyaarinayaan duullaan xilli kasta uga iman kara Ruushka.

Belarus

Ciidamo tiro badan oo todobaadkii la soo dhaafay uu Ruushka geeyay dalka Belarus oo xiriir wanaagsan la leh Moscow ayaa walaac xooggan ku abuuray dalalka Galbeedka.

Ruushka iyo Belarus ayaa todobaadyo ka hor shaaciyay in ciidamadooda ay wadajir u sameynayaan dhoolatus milateri.

Waxaa la rumaysan yahay in Ruushka uu ciidamadii ugu badnaa tan iyo dagaalkii qaboobaa uu u diray Belarus, iyadoo uu xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ku dooday in ciidankaas ay gaarayaan “30 kun oo ay kamid yihiin kuwa hawlgallada gaarka ah fuliya ee Spetsnaz loo yaqaan iyo diyaaradaha dagaalka ee SU-35.”

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in dhoolatuska oo loogu magac daray “Allied Resolve-2022,” uu qeyb ahaan ka hortagi doono “Cadowga dibedda.”

Crimea

Ruushka ayaa Crimea xoog kula wareegay sanadkii 2014, waxaana ay kamid tahay aaggaga la tuhunsan yahay in xukuumadda Moscow ay u adeegsan karto duullaan ka dhan ah Ukraine.

Muuqaallo lagu duubay satellite ayaa muujinaya in Ruushka uu ciidan iyo hub badan geeyay caasimadda Crimea ee Simferopol.

Isla maalinta muuqaalka la helay ayaa waxaa sidoo kale la ogaaday in Ruushka uu dhowr markab oo dagaal geeyay dekadda ugu weyn Crimea ee Sevastopol. Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa Khamiistii baahisay sawiradda lix maraakiibta dagaalka ah oo ku xirtay dekeddaas.

Ciidanka badda ee Ukraine oo arrintaas ka jawaabaya ayaa sheegay in Ruushka uu aag milateri ka dhigay badda madow, si uu cadaadis u saaro xukuumadda Kyiv iyo caalamkaba.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this