Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr. Xasan Sheekh: “Farmaajo waa in la maxkamadeeya hal arrin darteed” (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda gaar ahaan midda Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka, oo uu sheegay in Golaha la iskugu soo aruuriyay dambiilayaal.

Dr. Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dalbaday in maxkamad lasoo taago madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, maadama uu sheegay in uu dalka ka galay khiyaano Qaran.

“Waa in Farmaajo la geeyo maxkamad oo uu tago, waa in la weydiiyo dadka uu ku dilay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, dadka uu ku dilay Gedo, Baydhabo iyo Dhuusamareeb ayaa u maqan waa in la weydiiyo,” ayuu yiri.

“Farmaajo waa in la weydiiyo lacagta miisaaniyada meesha la geeyay, isaga ayaa qaabilsan in la weydiiyo, waxkasta oo qas iyo qalalaase uu sameeyay waa in lagu maxkamadeeyo.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba Golaha Shacabka u aqoonsan doonin, maadama ay soo galeen dad ku eedeysan dambiyo waaweyn iyo dilal.

“Cid ku dhuuman karta majirto Golaha Shacabka, umana aqoonsan doono Gole haddii uu noqdo dad ay kusoo dhuuntan dambiilayaasha.”

Dr. Xasan ayaa ugu dambeyntiina sheegay in kooxda Farmaajo aysan laheyn abaal, ixtiraamna u hayn dadkii ay ku meel-marsadeen damacyadii foosha xuma, xili dhawaan rag si weyn ugu dhawa loo diiday inay ka dhoofan garoonka Muqdisho.

The post Dr. Xasan Sheekh: “Farmaajo waa in la maxkamadeeya hal arrin darteed” (Daawo) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this