Deeq A. Posted February 21, 2022 Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in ay horay u joojiyeen doorashada 3 kursi oo ka mid yahay kursigii shalay loo dooray Fahad Yaasiin. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo shir jaraa’id qabtay ayaa tilmaamay in ay horay u joojiyeen kuraasta Hop#154, Hop#103 iyo Hop#086, kuwaas oo uu sheegay in habraacoodu khaldamay, inta la saxayana ay sidooda ahaanayaan. Dhanka kale Guddoomiye Muuse ayaa sheegay in ay gacanta guddiga dib ugu soo mlnoqdeen barahoodii bulshada oo horay u sheegeen in lagala wareegay. Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa ka dhexeeya khilaaf xoogan, kaas oo sababay in ay ka soo baxaan go’aano iyo warar is khilaafsan PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka oo diiday doorashadii Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites