Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo diyaarsday Liiska dadka uu dili doono & Kuwuu Xidhi doono marka uu qabsado Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka oo diyaarsday Liiska dadka uu dili doono & Kuwuu Xidhi doono marka uu qabsado Ukraine

putin.jpg

Maraykanka ayaa sheegaya in xogo sir ah ay muujinayaan in Moscow ay diyaarisay “liiska dadka ay dooneyso in ay khaarijiso ” ee Ukraine ku nool ka dib marka ay qaado duullaankeeda.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in xogaha sirdoonka ee saraakiisha Mareykanka ay heleen ay muujinayaan in Ruushku uu hadda gacanta ku hayo liiskaasi khaarijinta dadka Ukraine iyo mucaaradka Ruushka kuwaas oo “la dili doono ama laxiri doono” haddii Moscow ay soo weerarto Ukraine.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in bartilmaameedyada ay ku jiraan dad Ruushka udhashay oo mucaaradka ah iyo kuwa reer Belarus-ka ah ee musaafuriska ku jooga Ukraine, Saxafiyiinta iyo dadka u ololeeya ka hortaga musuqmaasuqa, iyo “kooxaha nugul sida kooxaha diimaha iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this