Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:M/weyne Geelle oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay M/weyne Muuse Biixi oo Safar Ku Jooga Dalka Jabuuti+Arimahay ka wadahadleen

Recommended Posts

Deeq A.   

M/weyne Geelle oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay M/weyne Muuse Biixi oo Safar Ku Jooga Dalka Jabuuti+Arimahay ka wadahadleen

Halkan ka Daawo Muqaalka Warka:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii Uu Hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay dalka Jabbuuti, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka labada madaxweyne, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha iyo deriskaba ah.
Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca Weftiga Jamhuuriyadda Somaliland wasiirrada Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.
Dhinaca Jamhuuriyadda Jabbuutina waxa ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaadhsiinta, Mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Almis Maxamed Cabdilaahi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this