Deeq A. Posted February 21, 2022 Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa qarax maanta Boosaaso lagula beegsaday kolonyo la socotay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gaaray Boosaaso. Wararku waxay sheegayaan in qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga kantaroolkii hore ee Boosaaso uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh. Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miina dhulka ku aasnayd waxa ku geeriyooday laba askari halka afar kalena ku dhaawacmeen. Kooxda Al-shabaab ayaa markiiba sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo ah kii ugu horreeyay ee taariikhda Puntland lala beegsado kolonyo madaxweynaha la socota. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Qarax lala eegtay kolonyadii Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites