Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo Qarax lala beegsaday.

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo Qarax lala beegsaday.
 deni.jpeg
Qaraxa ayaa lala eegtey weftiga Madaxweynaha Puntland Siciid Deni xilli ay gelayeen magaalada Boosaaso.Waxaa la sheegayaa in Qaraxu ahaa miino .Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga kantaroolkii hore ee magaalada Boosaaso.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan laba askari, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo ka mid ah ciidamadii la socday wafdiga Deni.

Sidoo kale ciidamada galbinayey kolonyada madaxweynaha ayaa la sheegay inay rasaas fureen qaraxa kadib, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Saciid Deni iyo wafdigiisa ayaa safar dhulka ah uga soo ambabaxay degmada Carmo ee gobolka Bari, isaga oo markii horena kasoo baxay magaalada Qordho ee maamulkaasi.

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriiro doorashada ka dhaceyso magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Puntland.

You May Like

Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa ku geeriyootey ilaa afar kalena waa ku dhaawacmeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this