Sign in to follow this  
Deeq A.

Joe Biden Oo Aqblay Inuu La Kulmao Vladimir Putin

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa mabda’ ahaan ku heshiiyey shir madaxeed lagaga hadlayo xiisadda Ukraine.

War qoraal ah oo ay faafisey madaxtooyada Faransiiska Elysee Palace ayaa lagu sheegay in Macron uu labada hoggaamiye u gudbiyay shir ku saabsan amniga iyo xasilloonida istiraatiijiga ah ee Yurub.

Labada Madaxweyne ee Biden iyo Putin ayaa labaduba aqbalay mabda’a shir-madaxeedkan oo kale,” ayaa lagu yidhi bayaanka, iyadoo carabka ku adkeeyay in kulankaas uu yahay mid aan macquul ahayn haddii uu Ruushku ku duulo Ukraine maadaama ay dalalka reer galbeedka ka baqayaan inuu ujeedkiisu yahay.

Aqalka Cad ayaa markii dambe xaqiijiyay shirka la qorsheeyay.

Mareykanka waxaa ka go’an in uu sii wado dublamaasiyadda illaa inta uu duullaanku bilaabanayo, ayay xoghayaha saxaafadda Jen Psaki ku tidhi hadal ay soo saartay.

“Madaxweyne Biden wuxuu aqbalay mabda’a ahaan kulanka uu la yeelanayo Madaxweyne Putin, haddii duulaan aanu dhicin.”ayay sii raacisay

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Kremlin-ka, laakiin Vladimir Putin ayaa sheegay ka dib markii uu wacay Macron Axadii in dadaallada dibloomaasiyadeed loo baahan yahay in la xoojiyo si xal loogu helo xiisadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this