Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Ugu Dambeeyey Ee Biixi Iyo Xaashi Oo Qabsoomaya Marka uu Jabuuti Kasoo Laabto, Madaxweynaha Oo Aanay Waxba Iska Baddalin Mawqifkiisii Hore Iyo Ajandaha Labada Dhinac

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Kulankii wajiga ugu dambeeya kulamadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa saacadaha soo socda la filayaa in uu ka qabsoomo Aqalka Madaxweynuhu ka degan yahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyada oo wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda kulamadaasi siyaasadeed tibaaxayaan in uu noqon doono kii ugu dambeeyey uguna cuslaa ee ay labadan masuul si rasmi ah ugu guda galaan ajandayaashooda mid waliba kan kale ka lahaa.

Sida ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen ilo-wareedyo u dhuun daloola Kulankan ugu dambeeya ee labadan masuul waxa ay noo xaqiijiyeen in Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu yeelan doonaan saacadaha soo socda kulan ay labadoodu isku kaliyaystaan kaasi oo mid kastaaba miiska soo dhigi doono ajandihiisa iyada oo xogahani tibaaxeen in kulamadoodii hore aanay labada dhinac hoos ugu daadagin ajandaha dhabta ah iyo ujeedada kulamadooda balse ay markii hore ku koobnaayeen bariido guud, is xaal waraysi iyo in ay iska raalli galiyaan mid midka kale wixii uu ka tirsanayay muddodii dheerayd ee ay ku kala maqnaayeen dudmada siyaasadeed.

Ilo xog-ogaal ah oo aanu arrintan shalay wax ka waydiinay waxa ay noo xaqiijiyeen in gabi ahaanba Madaxweyne Muuse Biixi aanay waxba iska baddalin aragtidiisii uu marka horeba ka qaatay Siyaasi Maxamuud Xashi Cabdi sidoo kalena aanay jirin wararka maalmihii ugu dambeeyey la isla dhex marayay oo ah in Madaxweynuhu xisbiga KULMIYE ku wareejin doono Siyaasigan gaar ahaan marka uu si rasmi ah ugu dhawaaqo Musharraxnimadiisa doorashada Madaxtooyada ee innagu soo aaddan balse aanay taasi jirin oo aanay labada dhinac haba yaraatee wax ku saabsan xaaladdaasi isla soo qaadin doonin. KULMIYE-na aanu noqon doonin mid qodob ka mid ah ajandayaasha miiska saaran. 

Dhinaca Wasiirkii hore ee Madatooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu ugu dambayn Madaxweynaha u gudbin doonaa damciisa siyaasiga ah iyo aragtidiisa ku aaddan sida kaliya ee ay wax u wada qabsan karaan oo ah in Madaxweynuhu xisbiga ku wareejiyo, haddii taasi suurto gali waydana ay sidaa isku macasalaameeyaan, isna Madaxweynaha u ballan qaado in aanu haba yaraatee wax cadaawad siyaasadeed ah dabka u dhisan doonin meeshana ay ka bixi doonto utuntii siyaasadeed ee hore u kala gaadhay. Madaxweynuhuna aanu wax culays ah saarin haddii uu damco Maxamuud in uu furto urur siyaasadeed cusub.

Isku soo wada duuboo lama oga xaqiiqo ahaan waxa ay noqon doonto natiijada kulankan lagu sheegay kii ugu cuslaa ee labada masuul isku wajahayaan tan iyo intii dib la isugu soo jiiday ee ay kooxo deegaanka Maxamuud Xaashi ka soo jeeda oo xukuumadda ka tirsani isugu soo dhaweeyeen iyada oo dhinaca kalena ay soo baxayaan xogo tibaaxaya in Wasiirka Wsaaradda Daakhiligu noqon doono Guddoomiyaha KULMIYE ee soo socda, siyaasi Maxamuud Xaashina sidaa kaga hadho damaca uu muddoda dheerba ka qabay xisbigaasi taasoo imika natiijadeedu soo dhammaatay.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi uu kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah taageerayaashiisa oo uu ku war galiyay in uu qaadan doono jid ka madhan colaad siyaasadeed oo uu ku wajaho Madaxweynaha haddii ay kulamadan isku fahmi waayaanna uu talo kula noqon doono dhammaanba taageerayashiisa gaar ahaan Gobolada Bari ee dalka dibna ka caddayn doono mawqifkiisa siyaasadeed ee uu qaadan doono marxaladdan kala guurka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this