Deeq A. Posted February 21, 2022 Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu ambobaxay waddanka Jabuuti. War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safarkaas uu qaadan doono maalmo balse lama faahfaahin waxay ka wada-hadlayaan labada dhinac. Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliyay xubno ka tirsan xukuumaddiisa oo ay ku jiraan wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo u amba-baxay dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites