Deeq A. Posted February 20, 2022 Muuqaal: Deni oo ka hadlay heshiiska dekedda Boosaaso Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameeyay heshiiska dekedda Boosaaso ee DP World. Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in dhowr beri ka hor uu soo dhammaaday heshiiska dib u eegista, kaas oo meesha ka saaraya shirkaddii dekedda maamuleysay ee P&O. Wuxuuna heshiiska cusub dhigayaa in ay dekedda maamusho shirkad cusub oo ay wadaagaan Puntland iyo DP World, taas oo ay 25% leedahay dowladda Puntland. Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in shirkadda cusub ee maamuleysa dekedda Boosaaso dhawaan magaceeda la shaacin doona, shaqada larabo in ay qabatana ay sida ugu dhakhsiyaha badan u bilaabi doonto. Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ka jeediyay degmada Waaciye ee gobolka Karkaar oo uu maanta safar ku maray. PUNTLAND POST The post Wax ka badel lagu sameeyay heshiiska dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites