Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwayne Biixi Oo Maalinta Barri Ah Safar Ku Tagaya Dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu maalinta barri ah safar ku tagi doona dalka Jabuuti.

Ujeedada safarka madaxwaynaha ayaan la ogayn waxa ay salka ku hayso.

Jabuuti ayaana ah dalka uu safarada ugu badan ku tagay Madaxweyne Muuse Biixi tan iyo intii uu xilka hayay.

Waxa xusid mudan in dalka Jabuuti uu ka taagan yahay qalalaase siyaasadeed oo sababay in la xidho taliyihii ciidammada booliska dalka Jabuuti iyo siyaasiyiin kale.

Wixii warar ah ka soo kordha safarka Madaxweyne Biixi kala soco Somalilandtoday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this