Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Cismaan Karaash iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland Oo Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwayne Ku-xigeenka dwlad goboleedka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Garowe  kulan kula qaatay guddiga gurmadka Abaaraha ee Puntland, oo dhowaan uu magacaabay maamulka Puntland.

Axmed Cismaan ayaa warbixino ka dhegaysatay guddiga Abaaraha , oo soo bandhigay qorshahooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha ee saamaysay  dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaannada Puntland si  gaar ah xoolaleyda.

Ugu danbayn Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladu ay u diyaar garowdo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha, isaga oo xusay in goleyaasha dowladdu ay mushaharaadkooda ay qayb ugu deeqi doonaan dadka Abaareysan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this