Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Maanta Daah-furay Nidaam Casri Ah Oo Lagu Hubinayo Saxnaanshaha Codbixiyayaasha Maalinta Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Waxa aan maanta Hargeysa lagu qabtay xaflad lagu daahfurayay nidaam cusub oo casri ah oo lagu hubinayo saxnaanshaha codbixiyayaasha maalinta doorashada (Biometric Voter Verification System). Waxa sidoo kale intii xafladdu socotay lagu tijaabiyay qaabka iyo hanaanka uu nidaamkan u shaqaynayo.

Nidaamkan cusub waxa uu kor usii qaadi doonaa daahfurnaanta nidaamka doorashooyinka iyada oo codbixiyayaasha lasugay xogtooda oo qudha ay codkooda dhiiban doonaan.

Mashruucan waxa dawladda Somaliland ka taageeray Dawladda Taiwan.

Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa sidoo kale dedaal ugu jira casriyaynta iyo horumarinta nidaamka loo maamulo doorashooyinka Somaliland.

Doorasho si wanaagsan loo maamulay, ayaa horseedi karta nidaam doorasho oo xor iyo xalaal ah iyo nidaam maamul oo si nabadgalyo ah la isugu wareejiyo.

273941368_4985525574824140_1725879328913 273946655_4985525794824118_3202774088553 273950456_4985524984824199_7822811349955 273976376_4985472694829428_4119239514493 274021351_4985472928162738_5064057230847 274072359_4985525774824120_1487625324671 274112740_4985472544829443_5992062900777 274193290_4985526074824090_3452206869690 274228932_4985525014824196_5300638514088 274313405_4985525621490802_3394482805598 274339636_4907579212610826_2181862344868 274379665_4907578389277575_4873709206263

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this