Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo War Cusub Soo Saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta daah-furi doona qalab lagu hubin doon dadka codbixiyeyaasha ah ee codaynaya doorashooyinka Somaliland.

Qalabkan oo ah mid ay Taiwan ku caawisay Somaliland ayaa lagu hubin doonaa dadka codka ka dhiiban doona goobaha codbixinta ee guud ahaan Somaliland, si loo xaqiijiyo qofka codaynaya iyo kaadhkiisu in ay is leeyihiin, waana mid ujeeddada laga leeyahay ay tahay daah-furnaanta hannaanka codbixinta doorashooyinka dalka.

Qalabkan ayaa qorshuhu yahay in la dhigo dhammaan degmo doorashooyinka Somaliland iyo goobaha codbixintaba.

Somaliland ayaa la filayaa in ay dhawaan ka bilaabanto diiwaan gelint codbixiyeyaasha doorashooyinka ee sharcigu dhigay in la sameeyo doorasho kasta ka hor.

Qalabkan ay Taiwan ku caawisay Somaliland, ayaa la isku dayey in doorashadii u dambaysay lagu galo, balse wakhtiga oo la sheegay inuu cidhiidhi yahay ayey suurto geli wayday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this