Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Ku Jahwareersan Kala Doorashada Baashe Cawil Iyo Wasiir Ciise Kayd

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku jahwareersan kala doorashada wasiirkiisa arrimaha dibadda Dr. Ciise Kayd iyo safiirkii hore Kenya u fadhiyay Somaliland Baashe Cawil.

Baashe Cawil ayaa madaxweyne Biixi ku codsaday in uu u magacaabo wasiirkii arrimaha dibadda ka dib markii hore uga cudur-daartay xilka wasiirk ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda oo madaxweyne Biixi u magacaabay.

Madaxweyne Biixi ayaa wasiir Ciise Kayd u gudbiyay dalab uu ugu sheegayo in uu u bedelayo wasiirka wasaaradda Caafimaadka balse Dr. Ciise Kayd ayaa ku gacan-saydgay codsiga uga yimid Madaxweyne Biixi.

Dad arrintan sida dhaw ula socda ayaa sheegaya in uu madaxweyne Biixi ku jahwareersan yahay kala doorashada labada siyaasi iyo sidii uu isku waafajin lahaa damacooda.

Wasiir Ciise Kayd waxa uu muujiyay dadaal xooggan muddadii yarayd ee uu hayay xilka wasaaradda arrimaha dibadda oo ka hor isaga la aaminsanaa inay hurdo dheer ku jirtay muddo xileedkii madaxweyne Muuse Biixi oo dhan.

Dhankiisa Baashe Cawil oo ka mid ah qayska Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo awood badan ka haysta ayaa la arkayay tallaabooyin badan oo uu qaadayay muddooyinkii u dambeeyay oo ay ugu dambaysay kulanii Madaxweyne Biixi iyo Maxamuud Xaashi oo la aaminsan yahay in uu ku lahaa doorka ugu muhiimsan.

Xamse Iimaan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this