Deeq A. Posted February 20, 2022 Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Den ayaa ka tacsiyeeyay laba Nabaddoon oo ku geeriyooday qarax shalay ka dhacay magaalada Boosaaso. Alle ha unaxariistee Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed ayaa ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso. “Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariisto Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday qaraxii argagixisnimo ee ka dhacay Boosaaso” ayuu yiri Siciid Deni Sidoo kale dadkii ku dhaawacmay qaraxaas ayuu alle uga baryey in uu ka caafimaadiyo “Dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi waxaan alle uga baryaya in uu u booga dhayo, aamiin” ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay Qaraxii Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites