Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu wado in maanta lagu doorto magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
2-13.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

Lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddiga Hirgelinta Doorashada Hirshabeelle ayaa shalay dhammaystiray diiwaan-gelinta dadka u sharraxan lixdaas kursi oo uu ku jiro La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa u sharraxan kursiga Hop#086 oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Sheikh Cabdulqaadir waxaana xusid mudan in Guddiga Dooorashooyinka dadban ee heer Federaal uu amray in la hakiyo kursigaas.

Amniga magaalada Beledweyne ayaa aad loo adkeeyay ciidamo badan ayaa lagu daadiyay waddooyinka waxaa maanta xiran isu socodka dadka iyo gaadiidka.

PUNTLAND POST

The post Kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu wado in maanta lagu doorto magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this