Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO Iyo Rooble Oo Si Adag Uga Horyimid Heshiis Shidaal Baadhis Ah Oo Uu Saxeexay Wasiirka Batroolka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caddeysay in heshiis shidaal baadhis ah oo uu saxeexay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta in aanu wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka batroolka ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray in uu shirkadda Coastline exploration uu u saxeexay heshiis 7 xidhmood ah oo shidaal baadhis ah, isagoo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu arrintaas  dhammaystirkeeda garab weyn ku siiyay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay, Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021, in la joojiyay in la galo wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in aanu dhaqan gal ahayn heshiiska u soo saxeexay Wasiirka Batroolka.

“Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka,” ayay tidhi madaxtooyadu.

Dhinac kale, war kasoo baxay xafiiska raysal waaaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiska uu Wasiirka Batroolku saxeexay ee la xidhiidha arrimaha Shidaalka Soomaaliya, uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo sharci ah sidaas darteedna uu yahay waxba kama jiraan.

Raysal wasaraha ayaa sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo lagaga jawaabayo falkaas oo lagu tilmaamay mid xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this