Sign in to follow this  
Deeq A.

Eedeysane Fahad Oo Qaatay Shahaadada Kursiga HOP#086

Recommended Posts

Deeq A.   

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo kamid ah eedeysanayaal loo heysto dilka Sarkaal ayaa galabta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Fahad ayaa u sharaxan kursiga tirsigiisu yahay #086, oo horay ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana garoonka diyaaradaha Baladweyne  kusoo dhoweeyey madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Fahad ayaa hadda qaatay shahaadada musharaxnimada kursiga HOP#086, kaas oo beri lagu dooranayo Baladweyne.

Musharaxan ka yimid hay’adda NISA, ayaa kamid ah afar sarkaal oo ka tirsan hogaanka hay’adda oo ku eedeysan dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Kulane Jiis iyo Yaasin Fareey ayaa baarlamaanka iyagana uga horeeya, kuwaas oo dhawaan la soo doortay waxaana ay kamid yihiin eedeysanayaasha dilka Sarkaalad Ikraan.

Magaalada ayaa waxaa shalay gaaray sedex diyaarad kuwaas oo siday askar iyo Ergadii dooran laheyd Fahad oo Muqdisho  laga qaaday, waxaana maanta maagalada sidoo kale ka dhacay qarax ay ku nafwaayeen dad badan oo shacab ah.

FB_IMG_1631114061310-1.jpg FB_IMG_1631114063380.jpg FB_IMG_1631114067134.jpg

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this