Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo diiday heshiis uu galay Wasiirka Batroolka

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220219_210627284.jpg?resi

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiis shidaal oo wasiirka Batroolka la galay shirkadda Coastline Exploration.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid M. Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku yiri “Waxaan ku faraxsanahay in aan islaacimiyo in aab saxiixnay heshiis wax soo saar wadaag 7 xirmood oon la galnay Coastline Exploration LTD. Waa guul u soo hoyatay Umadda Soomaaliyeed. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS oo igu garabsiiyay iguna tirtirsiiyey dhameystirka howshan”.

We are pleased to announce that we have signed 7 Production Sharing Agreements with COASTLINE EXPLORATION LTD. It is a victory for the Somali people.
I thank the President of FGS for supporting the process and encouraging us to complete this task. pic.twitter.com/MZgyzotCXN

— H.E Eng. Abdirashid M. Ahmed (@EngAbdirashidd) February 19, 2022

Intaas kadib qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan”.

“Ra’iisul Wasaraha ayaa qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu daray qoraalka.

Sidoo kale war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda”.


PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo diiday heshiis uu galay Wasiirka Batroolka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this