Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: RW Rooble oo joojiyey heshiis shidaal oo Soomaaliya ay saxiixday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray heshiis la sheegay in wasaaradda Batroolka Soomaaliya ay la gashay shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in heshiiska ay gashay wasaaradda Batroolka uu waxba kama jiraan yahay, isagoo ku goodiyey inuu tallaabo qaadi doono.

“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah, sidaas darteed waxba kama jiraan,” ayaa lagu yiri qoraalka Rooble.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa intaas ku sii daray, “Ra’iisulwasaraha ayaa qaadidoonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda, si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.”

Shirkadaas oo lagu magacaabo Coastline Exploration Limited (“Coastline”) ayaa laga leeyahay dalka Mareykanka waxayna maanta shaacisay in wasaaradda Batroolka Soomaaliya ay la saxiixatay toddoba heshiis oo wax soo saar wadaag, kuwaas oo dhigaya in shirkadu ay shidaal ka baari doonto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya.

 

 

The post DEG DEG: RW Rooble oo joojiyey heshiis shidaal oo Soomaaliya ay saxiixday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this